- ISBN: 978-91-982116-5-8
- Förlag: OmHassan Publisher
- Kategori: Samhällskunskap
- Tillgänglig sedan: Oktober 2021
Baruhu waa barbaariye bulsheed
Noolaha oo dhammi waxa uu leeyahay Bare, wax bara, Bare la’aantiisna noloshu macno maleh, mana yeelan karto, nolosha lafteeda ayaana Bare ah, waxna laga bartaa. Dhibka noolaha la soo dersa ayaa isna lagu tilmaami karaa in uu ’Bare’, yahay, oo wax laga barto, dhib kastana waxa uu jid-bixiye u yahay in horumar iyo waayo-aragnimo laga helo ama laga kororsado. Maahmaah Ingiriis ah ayaa waxa ay leedahay, iyada oo tilmaamaysa, dhibka ama baahidu in ay tahay tan hooyada u ah in nooluhu horumar ku tallaabsado ”Necessity is the mother of invention” lama-huraanku waa hooyada wax-abuuridda ama soo-saarista’. Sida lama huraanku u yahay hooyada wax soosaarka, ayaa sidaa oo kale hooyadu u tahay Bare, waayo hooyo la’aanteed in ax la bartaa waxa ay ahaan lahayd mid adag, cid walbana hooyo ayaa wax bartay ama gardaadisay. Hadaba buuggan aan ugu magac daray ’BARUHU WAA BARBAARIYE BULSHEED’ ayaan rabaa in aan ku oggaano:

