- ISBN: 978-1648264603
- Förlag: Ibraahim Waaberi
- Kategori: Facklitteratur
- Tillgänglig sedan: Mars 2022
E-bok
Dhabar adayg
Horumar ma sameyn kartid shaqsi ahaan, shirkad ahaan, iyo dal ahaanba, haddii aanuu isbeddel togan iman; isbeddelkuna ma hawl yaraa, haddii aan fekerka wax iska beddelin, ficilna xigin; ficilkuna ma yeesho midha dhal waara, haddii aan lagu dhabar-adaygin.
Markasta, oo aad is tidhaa wax cusub isku day, balwad jooji, ama caado cusub abuur, waxa aad dareemi xanuun iyo xasillooni la’aan; sababtoo ah, isbeddelku waa guurid aad ka guurayso xaalad, una guurayso xaalad kale.
Qof kasta, ayaa u baahan isbeddel. Ma jiro qof odhan kara, anigu qimmaddii ayaan gaadhay dhan walba nolosha. Gaar ahaan, waxa u baahan, qof iska war qaba, kuna baraarugsan qaybaha noloshiisa, kolba meesha liidata iyo meesha kale.

