- ISBN: 978-91-87223-20-4
- Förlag: SamFlex AB
- Kategori: Skönlitteratur
- Tillgänglig sedan: Oktober 2022
E-bok
Nabsi iyo nasiib
Waxay ahayd goor casar gaaban ah, oo ay cadceeddu godkeedii baallaha dhigatay. Cir bluug ah oo aan caad lahay iyo dabayl qallalan oo siigo wadata aya dhanka koonfureed ka socota. Xaddiyo iyo Faaraxyare oo ay ayeyo aabbe u tahay, ayaa waxa ay fadhiyaan guriga dhinaciisa. Faaraxyare oo ay gaajo darani hayso ayey ayeeyo Xaddiyo maaweelineysaa.

